Faahfaahin taliye Ciidan oo lagu dilay Gaalkacyo

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax oo si weyn looga yaqaanay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Faarax ayaa ahaa taliye ku xigeenkii Ciidanka ilaalinta wadooyinka Gobolka Mudug ee Puntland sida ay xaqiijiyeen masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.
Todobaadkii hore ayaa Gaalkacyo lagu dilay Xuseen Cabdille oo horey u soo noqday masuul katirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo iyo kuxigeenka Duqa magaalada, ahaana Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here