Faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan weerar saaka ka dhacay Lamu

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan weerar aroornimadii hore ee saaka lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaalla ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.
Ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa sheegaya inay dhinteen afar ka mid ah xarakada Al-shabaab oo falkaasi ka dambeeyay.
Milatariga Kenya ayaa intaas ku daray inuunan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhanka saraakiisha dalka iyo kuwa Maraykanka oo ku wada sugan saldhigga Simba Camp ee ay adeegsadaan ciidamada badda ee aagga Manda Bay -Magogoni .
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga ciidamada gaashaandhigga dalka ee Kenya Defence Forces ayaa lagu sheegay in abaare 5:30 aroornimo ee saaka uu jiray isku day ku aaddan in koox hubeysan ay gudaha u gasho garoonka yar ee diyaaradaha ee Manda Air Strip.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah in ciidamada ay ku guulaysteen inay ka hor tagaan isku daygaas.
Sido kale waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqday in wax dhibaato ama khatar ah aynan hadda ka jirin gudaha gagida.
KDF ayaa sheegtay in intii iska caabintu ay socotay inuu dab ka kacay qaar ka mid ah haamaha shidaalka ee halkaasi yaalla balse isla markiiba la xakameeyay.
Hasa ahaate ma cadda in afarta qof la dilay iyo inay ku dhinteen ismiidaamin ay sameeyeen in kastoo saaka ay soo baxeen warar sheegaya in la maqlay rasaas la isweeydaarsanayay.
Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sido kale xaqiijiyay weerarka wuxuuna sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda.

Sido kale AFRICOM ayaa qortay in xarakada Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda falkan balse wixii macluumaad oo dheeraad ah ay soo gudbin doonaan.

Barta istaraatiijiga ee adeegyada sirdoonka ee Strategic Intelligence Service ayaa qortay in khasaaraha ay gaysteen maleeshiyada uunan ahayn mid ballaaran sidaas awgeedna wax saameyn ah oo la xiriirta xeeladaha, istaraatiijiyadda iyo falcelinta ah uunan ku yeelanayn howlaha saldhigga Simba Camp .

Sido kale diyaarado la soo tabiyay in lagu burburiyay weerarka maanta ee Lamu ayaa lagu sheegay kuwo aan la isticmaalin oo hal baabuur oo shaqeynayay keliya ay saameyn ku timid.

Xarakada Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay weerarro ka gaysatay gudaha dalka waxaana ugu dambeeyay falkii khamiistii lala eegtay bas marayay aagga Nyongoro ee Lamu halkaas oo saddex qof lagu dilay.
Ciidamada difaaca dalka ayaa dhacdadaas kaddib sheegay inay dileen afar dagaalyaano ah halka mid kalena gacanta lagu dhigay.
Waxaa weerarkaas ka sii horreeyay mid kale oo 7-dii bishii Diseembar ee sannadkii hore ka dhacay Kutulow oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo ay boolis ka mid yihiin.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid looga falcelinayo dhibaatooyinka la taagan magaalada Quddus ee Falastiin.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in amniga dalka si weyn loo sugay sidaas awgeedna aynan jirin sabab keeni karto in shacabka ay walaac muujiyaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ammaanka Lamu oo maalmo ka hor bas lagu weeraray la adkeeyay oo shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkaas laga takhalusay.
Dhanka kale wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa gudaha dalka ayaa ku warramaya in maamulka duulimaadyada dalka ee KCAA uu hakiyay duulimaadyadii tagi lahaa ismaamulka Lamu. kaddib markii la xiray gagida diyaaraha ee Manda airstrip.
Waxaa tallaabadan xaqiijiyay agaasimaha guud ee maamullka KCAA ,Gilbert Kibe .
Mas’uulkan ayaa xusay in duulimaadyada la hakiyay ay yihiin kuwa rayidka si xaaladda qiimeyn loogu sameeyo.
Mr. Kibe ayaa xusay inay dib ka soo sheegi doonaan xilliga garoonka dib loo furayo.
Duulimaadyada ay arrintan saameysay waxaa ka mid ah kuwa shirkadaha Fly 540, Skyward Express, Fly Sax iyo Air Kenya..

Shirkadda Skyward Express ayaa barteeda Twitarka ku sheegtay inay ka qoomamooneyso in rakaabka ay ku wargeliso inaan loo duuli karin ama laga soo safari karin garoonka diyaaradaha ee Lamu.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta, Irungu Macharia oo galinkii hore ee maanta xaqiijiyay weerarka ka dhacay dowlad deegaankaas ayaa dhawaan sheegay in 5 qof oo falkaas lala xiriirinayo gacanta lagu dhigay.
Wixii qodobkan ku soo kordho wararka dambe ayaad ku dhageysan doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here