Faahfaahino ku saabsan shil xalay ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof

97

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan shil 11-kii habeenimo ee xalay ka dhacay wadada isku xirta magalooyinka Nairobi iyo Garissa .
Shilka ayaa u dhexeyay baabuur ay leedahay shirkadda basaska ee Nasiib iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka qaado waxaana ilaa iyo hadda ku dhintay in ka badan 13 qof iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen 12 kale.
Baska shilka galay ayaa shalay galab ka ambabaxay magaaladatani Nairobi waxa uuna ku wajahnaa magaalada Wajeer.
Meydadka dadkii ku dhintay iyo sido kale dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here