Fadeexad lagu lunsaday 10 bilyan oo laga soo tabiyay wasaaradda caafimaadka

Hanti dhowraha guud ee dalka, Edward Ouko ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in wasaaradda caafimaadka ee dalka aynan faahfaahin ka bixin qaabkii loo adeegsaday dhaqaale gaaraya 10.9 bilyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay ka dhigan tahay in lacagtaasi oo ay qeyb ka ahayd miisaaniyad sannadeedkii dhammaaday 30-kii bishii lixaad ee 2018-kii aan meel lagu sheegi Karin.
Ouko ayaa warbixinta ku sheegay inaan loo soo gudbin dokumeentiyada muhiimka ah ee isticmaalka dhaqaalahaasi la xariira.
Sido kale wasaaradda caafimaadka ayaa lagu eedeyay in lacagta la rumeysan yahay in la lunsaday aynan ku soo wareejin akoonti cusub maadaama ay horay ugu kala keydsaneyd akoontiyada waaxyaha adeeyada caafimaadka iyo faya dhowrka.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maamulka talada haya ee Jubilee uu sii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC , Eliud Wabukala iyo madaxa fulinta ee guddigan ,Twalib Mbarak ayaa la kulmay dibloomaasiyiinta wadamada Maraykanka, Canada, Faransiiska, Finland, Taltaaniga, Netherlands, Sweden iyo Australia oo dhammaantoo soo jeediyay in shaqada laga eryo saraakiisha dowladda dhexe iyo kuwa ismaamulada ee lagu caddeeyo falalka wax isdabamarinta.
Safiiradan ayaa isku raacay inay mas’uuliyiinta ku lug lahaada musuqmaasuqa ka hor istagaan inay u safraan dalaka ay Kenya ku matalaan.
Waxay sheegeen in lagu guulaysan doono olalaha uu wado madaxweyne Uhuru Kenyatta ee ka dhanka ah musuqmaasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here