Fafaahfaahin ku saabsan Khubaddi Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalka soomaaliya iyo fursadaha u baahan in si wadajir ah looga faa’iideysto gaar ahaan kuwa ka dhaxeeya wadamada qaaradda Afrika.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay kula dagaalameyso kooxaha kasoo horjeeda dowladda .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dagaalka uu yahay mid horseedaya xasilinta dalka soomaaliyeed iyo soo celinta maqaamkii wadankaas uu ku lahaa Afrika.
“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh “ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay kooxaha ka soo horjeeda uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan ku soo afjari karaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in cunaqabataynta hubka ee qaramada Midoobay ee saran Soomaaliya ay xaddidaysa awoodda la xiriirta helidda hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda mas’uuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsiyada shucuubta qaaradda ee dhanka horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here