Fah-Faahino Ka Soo Baxaya Ciidamada Jubbaland Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xagar.

69

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland Ee Ku Sugan Degmada Afmadow Iyo Nawaaxigeed Ayaa Xalay Saqdii Dhexe Weerara Qorsheeysan Ku Qaaday Degmada Xagar Ee Gobolka J/Hoose Oo Kamid Ah Degmooyinka Ay Gobolka Ee Shabaab Mudada Dheer Maamulayeen.

Ciidamada Oo Aad U Qalbeeysnaa Ayaa Jihooyin Dhowr Ah Ka Weeraray Degmada, Waxaana Iska Horimaad Kooban Kadib U Suurogashay In Ay Saacado Kooban La Wareegaan Gacan Ku Heynta Degmadaasi.

Dadka Deegaanka Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Uusan Dhicin Dagaal Culus Oo Degmada Ku Dhexmaray Labada Dhina Islamarkaana Al-Shabaab Ay Isaga Baxeen Degmada Kadib Weerarka.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland C/Nuur Ibraahim Xuseen Oo Warbahinta La Hadlat Ayaa Sheegay In Ciidamadu Ay Saacadu Kooban Ay  Gacanta Ku Hayeen Degmada, Kadibna Ay Isaga Soo Baxeen.

Waxa Uu Sheegay In Ujeedka Weerarku Ahaa In Ay Ka Hortagaan Falal Uu Sheegay In Ay Shabaabku Maleegayeen.

Afhayeenka Ayaa Sheegay In Uusan Jirin Dagaal Halkaasi Ka Dhacay, Shabaabkuna Ay Isaga Baxeen Degmada Werarka Kadib, Waxa Uu Xusay In Ay Burburiyeen Saldhig Ay Shabaabku Ku Lahaayeen Degmadaasi, Isagaoo Dhankooda Sheegay In Uusan Jirin Wax Qasaare Ah Oo Soo Gaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here