Fah-Faahino Ka Soo Baxaya Qaraxii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Faahfaahin Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Qaraxii Miinada Ahaa Ee Ka Dhacay  Deegaanka Waydow Ee Duleedka Magaalada Muqdisho,

Qaraxan Ayaa La Dhigay Wadada Dhinaceeda, Waxaana Lala Eegtay Gaadiid Cabdi Bile Ah Oo Maraayay Meesha, Sida Ay Inoo Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

In Kabadan Shan Ruux Ayaa Ku Dhaawacantay Qaraxaasi Oo Afar Ka Mid Ah Yihiin Ciidamo Militari Ah Oo Saarnaa Gaari Cabdibile Ah Oo Laamiga Maraayay, Halka Saddexda Ruux Ee Kale Yihiin Shacab Fadhiyay Meel Ku Dhaw Laamiga.

Qaraxan Oo La Dhigay Wadada Dhinaceeda Meel Good Hoostiisa Ah Ayaa Markii Uu Dhacay Ciidamada Militariga Ee Wadada Maraayay, Waxa Ay Fureen Rasaas Xoog Leh, Balse Lama Sheegin Khasaare Ka Dhashay Rasaastaasi, Sida Ay Shegeen Dad Goob Joogayaal Ah.

Wadada Isku Xirta Muqdisho & Afgooye Ayaa Noqotay Mid Halis Badan Oo Amnigeeda Uu Liito, Maadaama Joogto Ay Uga Dhacaan Qaraxyo & Dilal Qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here