Fah-Faahino Ka Soo Baxaya Weerar Xalay Lagu Qaaday Degmada Dhoobley.

110

Koox Hubeysan Ayaa Xalay Waxaa Ay Weerar Bambaano Ku Qaadeen Guri Degmada Dhoobley Uu Ka Degan Yahay Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Weerarkaas Ayaa Inta La Ogyahay Waxaa Ku Dhintay Hal Askari Halka Ay Ku Dhaawacmeen 7 Ruux Oo Uu Ku Jiro Taliyaha Ciidamada Jubbaland Ee Deegaanka Taabta Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka Deegaanka Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Weerarka Kadib Ay Maqleen Rasaas Xoogan Oo Loo Maleynaayo Inay Isdhaafsadeen Ragii Weerarka Soo Qaaday Iyo Ilaalada Sarkaalka,Waxaana Halkaasi Si Deg Deg Ah Uga Baxday Kooxihii Ka Dambeeyay Falkaasi.

Ilaa Iyo Hada Ma Jiro Wax War Ah  Oo Ka Soo Baxay Maamulka Jubbaland Oo Ay Uga Hadlayaan Weerarkii Xalay Ka Dhacay Degmada Dhoobleey Ee Gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here