Falastiin oo diidday qorsho ku saabsan dhaqaalaha oo uu Maraykanka la yimid

Dowladda Falastiin ayaa gaashaanka u daruurtay qorsho la xariira dhaqaalaha oo uu Maraykanka soo saaray iyadoo dalbatay in ugu horreyn xal loo helo khilaafka kala dhexeya Israa’iil.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ka soo horjeestay qorshaha dhaqaale iyo midka nabadeed ee uu horkacayo taliyaha sare ee Donald Trump ee dhanka ammaanka Jared Kushner.
Mr. Cabbaas ayaa sheegay inaan arrin dhaqaale laga wada hadli Karin iyadoo aan la xallin midda siyaasadeed.
Waxaa uu madaxweynaha Falastiin si cad u sheegay in iyadoo uunan jirin xal siyaasadeed , suurtaga aynan ahayn in lala tacaalo xaalad dhaqaale.
Diidmada Falastiin ayaa timid kaddib markii xukuumadda Washington ay shaaca ka qaadday inay gudaha dalkaasi ka sameynayso maalgelin dhan 50 bilyan oo doolar.
Maraykanka ayaa intaasi ku daray in maalgelinta ay tahay mid lagu horumarinayo Falastiin iyo dalalka kale ee carbeed ee bariga dhexe.
Berri ayaa la filayaa inuu dalka Baxrayn ka furmo shirweyne uu Maraykanka hoggaaminayo oo looga hadlayo dhaqaalaha Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here