Fanaankii Cabdi Tahliil oo Muqdisho ku geeriyooday

Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee qaranka Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame

Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee qaranka Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa lagu soo waramayaa inuu Xalay Saqdii dhexe ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Cabdi Tahliil Warsame ayaa muddo sanado badan ah ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,iyadoo dhowr sano ka hor mar dalka dibadiisa loo qaaday,hayeeshee dib loogu soo celiyay ugu dambeyntiina uu Xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho ee xarunrta Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Soomaaliyeed ee Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday isbitaal kuyaala duleedka Caasimada Muqdisho.
Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa uu ifka kaga tegay Carruur farabadan oo qaarkood ay yihiin fanaaniin,wuxuuna ku mid ahaa hogoladii qaranka Soomaaliya ee Waabari sidoo kalena mudo dheer ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here