Fannaanad caan ah oo dhacdo aan la fileyn ku geeriyootay iyadoo masraxa toos uga heeseysa

Fannaanad u dhalatay waddanka Spain, oo qaadda heesaha loo yaqaanno pop-ka ayaa geeriyootay ka dib markii uu ku dhacay bulaleyr ku qarxay goob ay ka socotay munaasabad ay si toos ah uga heeseysay.

Joana Sainz Garcia, oo 30 jir ah ayaa xilligaas ka qeyb galeysay bandhig ay sameynayeen kooxda ay ka tirsantahay oo lagu magacaabo Super Hollywood Orchestra.

Xafladda musiibada isku baddashay ayaa ka dhaceysay meel u dhow magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

Maalintii Axadda, Bulaleyr loogu tala galay masraxa ayaa ku qarxay meel u dhow halkii ay taagneyd fannaanadda, waxayna isla markiiba gashay koomo.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa durba isbitaalka ula cararay Ms Sainz, halkaasoo ay markii dmabe ku geeriyootay.

Qiyaastii 1,000 ruux ayaa daawaneysay bandhigga ay fannaanadda ka heeseysay, oo ka socday magaalada Las Berlanas, oo dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here