FAO oo sheegtay in Ayaxa uu 70 sano sidii ugu xumeyd u saameeyay Kenya

Hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa sheegtay in saameynta cayayaanka Ayaxa uu hadda ku hayo dalka ay tahay midii ugu darneeyd muddo 70 sano ah.
Waxay hay’adda hoosta ka xarriiqday in dhibaatada hadda taagan ay halis weyn ku tahay wax soo saarka dhanka cunnada iyo hab nololeedka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo Ayax tiro badan uu weli burburin ka wado qeybo ka mid ah wadanka in kastoo dowladda ay la tacaalayso.
Ayaxa waxaa uu saameyn adag ku yeeshay ismaamulada kala ah Isiolo, Samburu, Wajeer, Garissa, Marsabit, Laikipia, Mandera, Kitui, Baringo iyo Turkana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here