Fatahaadaha Beledweyne oo Faahfaahin laga Bixiyay.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayaan howlaha gurmadka fatahaadaha ee ka socda Gobolka Hiiraan,waxyaabaha ilaa iyo hada ay ku guulaysteen iyo Talaabooyinka Xiga ee ay qaadayaan maalmaha soo aadan.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabelle in gurmadka fatahaadaha loo qeybiyey Saddex Weji oo midkii koowaad uu soo geba-gaboobay haatana ay galayaan wajiga labaad iyo kan saddexaad oo ay qeyb ka yihiin dib uga soo kabashada saameyntii fatahaada iyo dayactirka Garoonka Diyaaradaha madaagalada Baladweyne maadaama marka ay fatahaaduhu dhacaan Garoonku xirmo taasna ay xaalada uga sii darto.

Fatahaada uu Baladweyne ka sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay sababtay barakaca kumanaan dad ah,kuwaas oo qaarkood dhibaatooyin kala duwna ay xilligaan ku heystaan deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne iyo Meelaha kale ee ay u barakaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here