Fatahaadaha oo gobolo Soomaaliya ka mid ah halis ku ah

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in Fatahaadaha iyo daadadka ay halista ugu weyn ee iminka soomaaliya wajaheyso yihiin ayadoo weheliyaan ayaxa iyo Cudurka Covid-19.
Warbixin ay soo saartay hay’adda OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaaduhu sal kiciyeen Dad gaaraya 341,884 guud ahaan Soomaaliya .
Gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xoogga leh ay fatahaaduhu ku yeesheen oo dad badan ay ka barakaceen.
Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii Luulyo ee sanadkaan sida lagu sheegay warbixinta Hay’ada OCHA.
Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.
Gobolka Hiiraan waxaa ku Bara kacay fatahaada Wabiga 28,000 oo qof waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.
Hey’adda Cunada iyo Beeraha QM ee FAO ayaa waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shabeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu hada gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh oo Saamaysa Magaalada Beledweyne.
OCHA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso raashsiin yari ba’an 2.1 malyuun oo qof ayaa illaa bisha December ee sanadkan wajihi kara xaalad Qatar ah haddii Wabigu mar kale fataho.
warbixinta Hay’ada OCHA ayaa imanaysan ayadoo Shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda Dowlada Soomaaliya uu Maalinkii labaad ka socda Magaalada muqdisho, waxaana xoogga lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, shirkaan oo dowladda Soomaaliya uu ka taageerayo bankiga adduunka.
Shirkaan wadatashiga ah ayaa soconaya mudo sadex Cishe ah waxaana ka qaybgalaya Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta Maamul goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha si looga arinsado xaaladaha hada taagan iyo kuwa laga cabsida qabo.
Cali Xaaji Aadan maareeyaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ah ayaa sheegay in mashrucaan ahmiyadd weyn u leeyahay bulshada nugal ee ay saameeyeen daadadka, abaaraha iyo ayaxa ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here