Fatahaadihii qardho oo warbixin laga soo saaray

Duqa Degmada Qardho ee Maamulka Puntland Cabdi Siciid Cismaan, ayaa warbixin dhammaystiran ka soo saaray, Khasaaraha ka dhashay Daadadkii Magaalada ku fatahay 27-April ee sannadkan 2020.
Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Duqa Degmada Qardho, ayaa lagu sheegay in Daadadkaas ay ku dhinteen sideed qof oo saddex kamid ah ay Carruur ahaayeen,ayna ku bara-kaceen ilaa 2,600 oo Qoys ah.
Sidoo kale, Warbixinta waxaa lagu sheegay in Fatahaaddu saamaysay ilaa 5,000 oo guri, oo ay ku jiraan 750 guri oo ku dumay Daadadkaas, halka ay ku burbureen in ka badan 10,20 xarumo Ganacsi.
Sida warbixinta ku xusan, Khasaaraha guud ee ka dhashay Fatahaaddii degmada Qardho, waxaa lagu qiyaasay 40 Miyan oo Dollar, waxaana ku jira ilaa 50 gaari oo ay Daadadkaasi qaadeen.
Natiijada Qiimayntii lagu sameeyay Khasaaraha gaaray Magaalada Qardho, waxaa ka soo baxay saddex baahiyood oo aas’aasiya, kuwaasoo qaarkood ay deg deg yihiin sida Warbixinta lagu sheegay.
Tan kowaad ayay Warbixintu ku sheegtay, in loo baahanyahay Dib-dhiska guryihii ku dumay Daadadka, halka baahida labaad ay tahay in la maal-geliyo Magaalada, si ay u soo kabato, maadaama %80 Dhaqaalihii Qardho uu ku burburay Fatahaaddii ka dhacday Magaaladaasi dabayaaqadii bishii afraad ee sanadkaan.
Baahida saddexaad ayaa ah, in la sameeyo Qorshe Xal-waara oo Magaalada Qardho looga moosayo Daadadka, si aysan mar dambe u soo noqon Musiibadii dhacday oo kale.
Ugu dambeyntii, Duqa Degmada Qardho, wuxuu dalbaday Kaalmo Dhaqaale oo wax looga qabanayo Arrimaha kor ku xusan, inkastoo uusan cid iyo Hay’ad gaar ah u jeedin Baaqiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here