Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xayiraadii Sheekh Shariif ee Kismaayo

Guddoomiyaha Xisbiga UCID injineer Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xayiraadii dowladda Soomaaliya saartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif xili uu doonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay xariyaadda dowladda Madaxweyne Farmaajo saartay Sheekh Shariif iyo wafdigii la socday oo kusii jeeday Kismaayo.

 

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa ku soo aadaya sheikh Shariif Sheekh Axmad iyo madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud ay labaduba si adag uga hadleen tallaabada dowladda federaalka soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here