FBI-da oo qeyb ka noqonaysa baaritaanka isku daygii dil ee ra’iisul wasaaraha Suudaan

Baarayaal ka socda Maraykanka ayaa dowladda Suudaan ka caawin doono baaritaanka ku aaddan isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Cabdalla Hamdok.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Suudaan.
Faisal Maxamad Saalex ayaa warfidiyeenka u sheegay in koox ka tirsan laanta FBI-da ay gaareen dalkaas si ay ugu biiraan baarayaasha .
Ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa isniintii ka bad-baaday isku day lagu khaarajin lahaa.
Falkaas ayaa loo adeegsaday qarax lala beegsaday kolonyadiisa.
Wasiirka warfaafinta ayaa xusay in baarayaasha Maraykanka ay ku biirin doono khuburrada dhanka dambi baarista ee dalka Suudaan khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah.
Warbaahinta gudaha oo soo xiganaysa wasiirka ayaa tabisay in kooxda Maraykanka ay ka kooban yihiin saddex sarkaal.
Isniintii ayay ahayd markii uu kulan yeeshay golaha amniga iyo difaaca ee wadanka Suudaan waxayna xubnuhu codsadeen caawimaad dibadeed.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhanka ahaa Cabdalla Hamdok.
Dhanka kale saraakiisha ammaanka ee dalkaas ayaa xiray dhowr qof ay ku jiraan ajaaniib sida laga soo xigtay wasiir Faisal Maxamad Saalex in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here