Filibiin oo ka baarandagaysa fududeynta xayiraadda safarada

Dowladda Filibiin ayaa sheegtay inay qiimeynayso suurtagalnimada la xiriirta in kalkaaliyaasha iyo howlwadeenada kale ee caafimaadka loo ogolaan karo inay dalalka kale u safraan iyagoo raadsanaya shaqooyin caafimaad.
Afhayeenka madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ayaa sheegay in laga baarandegaya in xayiraadii jirtay meesha laga saaro.
In badan oo ka mid ah saraakiisha caafimaad ee dalkaas ayaa safka hore kaga jiro la tacaalidda cudurka COVID19 ee wadamada Maraykanka, bariga dhexe iyo qaaradda Yurub.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Filibiin ay sheegtay inay xaqiijisay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 3,375 iyo 53 oo dhimasho dheeraad ah.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID19, gudaha Filibiin ayaa hadda ah 276,289 halka dhimashada ay gaartay 4,785 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here