Filibiin oo laga diiwaangeliyay 1,531 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa maanta oo Jimco ah sheegtay inay xaqiijisay xaalado cusub oo ah kuwa fayraska corona oo gaaraya 1,531.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee xaaladaha fayraska ee wadankaas hal maalin gudaheed laga soo tabiyo.
Dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19 ee gudaha Filibiin ayaa waxaa ku kordhay 6 xaaladood.
Kiisaska guud ee dalkaas ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay ayaa ah 40,336 halka dhimashadu ay tahay 1,280.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here