Filibiin oo laga xaqiijiyay in ka badan 1,500 oo ah kiisaska cusub ee corona

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay uu cudurka COVID19 haleelay 1,509 qof oo dheeraad ah.
Tiradan ayaa ah midii ugu hooseysay ee si maalinla ah loo diiwaangeliyo in ka badan 6 isbuuc.
Bayaanka wasaaradda waxaa qayb ka ah in cudurka ay u dhinteen 60 qof oo kale.
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee Filibiin ayaa gaartay 362,243 halka dhimashadu ay marayso 6,747.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here