Filibiin oo laga xaqiijiyay in ka badan 4,800 oo ah xaaladaha cusub ee corona

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegtay inay xaqiijisay kiisas hor leh oo ah kuwa cudurka COVID19 oo gaaraya 4,836 .
Waa maalinkii toddobaad oo si xiriir ah loo diiwaangeliyay in ka badan 3,000 oo xaaladood.
Sido kale waxaa dalkaas cudurka ugu dhintay 7 qof oo dheeraad ah.
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee Filibiin ayaa hadda ah 169,213 halka dhimashadu ay marayso 2,687.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalkaas Rodrigo Duterte uu fududeeyay xayiraadii saarnayd magaalada Manila iyo gobollada u dhow si dib loogu furo dhaqaalaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here