Fransiiska iyo xulafadiisa oo sameeysanaya isbahaysi ciidan oo looga hor tagayo kooxo argagixiso ah

Fransiiska iyo dhawr kamid ah xulafadiisa ee wadamada Yurub ayaa sameeystay isbahaysi lagu magacaabo Takuba kuwaas oo loogu tala galay inay la dagaalamaan kooxa hubaysan oo ka dagaalama Galbeedka Afrika ee Sahel.
Ciidamadan ayaa waxaa ay kaashan doonaan militiriga dalalka Mali iyo Niger.
Kadib kulan dhanka qadka ah oo laisugu duubayay codad ayaa kooxa matalayay 13 wadan oo ay kamid yihiin Belgium, the Czech Republic, Denmark, Estonia, Fransiiska, Jarmalka, Mali, Netherlands, Niger, Norway, Portugal, Sweden iyo Ingriiska ayaa soo saaray qoraal ah inay ku heshiiyeen inay ka guuleeystaan kooxahan argagixisada ah ee hubeeysan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadan isbahaysiga ah ee lagu magacaabo Takuba ay hawl gali doonaan horraanta sannadka soo socda.
Ciidamo dhan 4,500 oo uu leeyahay Fransiiska ayaa hada ku sugan Galbeedka Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here