Fred Matiang oo faray in dhamaan masuuliyiinta dowladda ee Caasimada inay taageeraan madaxa NMS

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwida howlaha qaranka Dr. Fred Matiang ayaa amray in dhammaan mas’uuliyiinta maamulka heer qaran ee Nairobi inay si dhow ula shaqeeyaan Agaasimaha guud ee maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada dadweynaha ee caasimadda dalka Maxamad Badi.
Shir laba saacadood socday oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa masuuliyiinta caasimada lagu amaray inay si dhow ula shaqeeyaan NMS islamarkaana ay ka shaqeeyaan hormarinta bilicda magaalada.
Amarkan ayaa dhaqangalay islmarkiiba sida uu sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Karanja Kibicho.
Waxaa uu hadalkiisa ku daray inay jirto calaamad muujinaysa ujeedada dowladda qaran ee ah in la hubiyo in Adeegyada magaaladan oo ay si dhakhso ah fuliyaan mashaariicda.
Dhanka kale agaasimaha Guud ee NMS ayaa ku tilmaamay tallaabada inay tahay mid gacanta ugu jirta maamulkiisa, isagoo ballan qaaday in maamulkiisa hormarin doona bilicda magaalada.
Arrintani ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Barasaabka Nairobi Mike Sonko iyo agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay wada shaqeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here