Fred Matiang’i oo beeniyay inuu Ruto ka dalbaday inuu is casilo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo lagu sheegay inuu madaxweyne ku xigeenka wadanka Dr. William Ruto ka dalbaday inuu is casilo.
Warbixinta ayaa lagu sheegay mid been abuur oo aan niyad wanaag ku saleysnayn.
Dhanka kale Dr. Fred Matiang’I ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twittarka ku sheegay in isaga iyo xubnaha guddiga aqalka sare ee ammaanka , gaashaan dhigga iyo arrimaha dibadda ay shalay yeesheen kulan wax ku ool ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan amniga qaranka.
Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu senetarrada u xaqiijiyay sida ay kaga go’an tahay u hoggaansanka shuruucda dalka.
Matiang’i oo wax laga weydiiyay tallaabadii isniintii lagu xiray saddex senatar ayaa carrabka ku adkeeyay inuusan bixin amarkii siyaasiyiintaas xabsiga loogu taxaabay.
Senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala, senatarka Bomet Dr. Christopher Lang’at iyo dhigiisa Samburu Steve Lelegwe ayaa maalinkaas gacanta lagu dhigay kaddib markii loo soo jeediyay eedeymo kala duwan in kastoo ugu dambeyn xabsiyada laga siidaayay.
Go’aanka ay dowladda dhexe ku dhaqaaqday ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay.
Waxaa cambaareeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga iyo hoggaamiyaha xisbiga ANC , Musalia Mudavadi.
Madaxdan ayaa saraakiisha ammaanka kaga digay in loo adeegsado fulinta dano siyaasadeed.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here