Fred Matiangi oo la kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Waxaa Magaalada Addis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo isku duwaha howla qaranka Dr Fred Matiangi, iyadoona halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wasiirka ayaa kulan muhiim la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyagoona kawada hadlay iskaashiga uu Itoobiya ku biirin kara xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraal u bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Dr Fred Matiangi ayaa waxaa ku sheegay in isaga oo wakiil ka ah madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed kawada hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka soo kala dhexgalay dowlaladda Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xuduudka labada dal iyo si loo wanaajiyo xasiloonid gobolka ayuu bartiisa tuwitarka ku soo qoray.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu wafdi ka kooban 5 xubnood uu u diray soomaaliya.
Waxay kulan la qaateen madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo oo ay ku heshiiyeen in la xalliyo xasaradda ka taagan dhanka xuduudda ee ka dhalatay iskudhacyada ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here