Gaadiidleyda dalka oo maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah dowladda

Waxaa sii xoogaystay muranka u dhaxeeya gaadiidleyda xamuulka qaada iyo dowladda dhexe iyadoo hadda maxkamadda dacwad arrinkan ku aaddan loo gudbiyay.
Arrintan ayaa timid kaddib amar horay uga soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka ee dalka kaasoo ahaa in xamuulka laga soo qaadayo dekadda Mombasa ee la keenayo magaaladatani Nairobi lagu soo daabulo tareenada casriga ah.
Mulkiilayaasha baabuurta xamuulka qaada oo xubno ka ah ururka gaadiidleyda dalka ee (KTA) ayaa maxkamadda geeyay kiis ay uga soo horjeedaan go’aanka wasaaradda.
Waxay maxkamadda ka doonayaan inay soo saarto amar ah in ganacsatadan ay xaq u leeyihiin adeegsiga nooca gaadiidka ee ay doorbidayaan.
Dacwadda xaakiinada la hor dhigay ayaa la doonaya inay ka soo jawaabaan maamulka maareeya dekadaha dalka ee KPA,maamulka tareenada , wasiirka gaadiidka James Macharia iyo maamulka qaabilsan in si caddaalad ay ku dheehan tahay howlaha gacansiga loogu tartamo .
Xubnaha KTA ayaa ku doodaya in amarka dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda gaadiidka ka soo baxay uu saameyn ku yeeshay nolol maalmeedkooda sido kalena uunan waafaqsaneyn dastuurka dalka u degsan.
Qareenka gaadiidleyda matalaya Gikandi Ngibuini, ayaa sheegay in dowladda laga doonayay inay sare u qaaddo wacyigelinta la xiriirta isticmaalka tareenada balse sida uu hadalka u dhigay ay guda gashay inay cabburiso ganacsatada baabuurta xamuulka ku shaqeysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here