Gaadiidleyda gobolka shabeelada dhexe oo cabanaya

Waxaa Maalintii labaad hakad ku jira Gaadiidka dadweynaha ee ka dhex-Shaqeeya wadada xiriirsa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar,kuwaasoo Shaqa joojintooda bilaabay Maalintii shalay aheyd kadib markii ay Cabashooyin kala duwan Muujiyeen.
Darawalada Gaadiidka dadweyna ee u kala goosha Muqdisho iyo gooblka shabeelada dhexe ayaa ka cabanaya Isbaarooyin horleh oo la soo dhigay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo sidoo kale rag hubeysan oo lacago xad-dhaaf ah ka qaadaya Gaadiidkooda.
Xasan Sheekh Ibarahim oo kamid ah Gaadiidleyda ka Shaqeeya Muqdisho iyo Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore ay heysatay dhibaato ay ku qabeen Isbarooyin la sharciyeeyaysatay ee gobolkaas ka jiray,hayeeshee ay haatan soo kordheen isbaarooyin horleh oo ay dhigteen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo kuwo hoostaga Maamulka degmada Balcad.
Waxaa uu sheegay in ka badan laba todobaad ay sugayeen Koorso ay qaataan,hayeeshee dhaqaalaha ugu badan ay ku bixiyaan isbaarooyin yaalla wadada xiriira Muqdisho iyo jowhar,taasoo ku qasabtay inay ka doorbideen inay gawaaridooda xareeyaan oo aysan waxshaqo ah aadin.
Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hir-Shabeelle ayuu ugu baaqay inay waxka qabtaan dhibaatooyinka ka heysta wadadaas,isla markaana sababtay inay Shaqa joojin sameeyaan maadaama ay halkaas ka raadsadaan nolosha qoysaskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here