Gaadiidleyda Isiolo oo loo digay

Gaadiidleyda iyo ganacsatada ismaamulka Isiolo ayaa looga digay inay ku lug lahadaan ka ganacsiga daroogada iyo in wadanka la si sharci darro ah loo soo geliyo dad aan u dhalan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Joseph Kanyari ayaa digniintan soo saaray.
Waxaa uu xusay inay jiraan baabuurta xamuulka oo ka soo safro dhanka Moyale iyadoo darawaliinta kaxeynaya ay ku andacoonayaan inay qudaar wadaan balse ay sidaan nooc ka mid ah maandooriyaha.
Sido kale waxaa uu wacad ku maray in sarkaalkii ka gaabiya waajibaadka saaran oo aan qaban baabuur sido daroogo ama ajaaniib tallaabo sharciyeed laga qaadayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here