Gaadiidleyda Mombasa oo sheegay inay dibadbaxyada sii wadayaan

Gaadiidleyda ka howlgalo ismaamulka Mombasa ayaa wacad ku maray inay maanta sii wadayaan mudaharaadyo ay maalmihii la soo dhaafay sameynayeen.
Dibadbaxyada ayaa ah kuwo looga soo horjeedo amar dhawaan ka soo baxay dowladda dhexe.
Amarkaasi ayaa ahaa in xamuul walba oo laga soo qaado dekadda Mombasa ee la doonayo in la keeno Nairobi la adeegsado tareenka SGR.
Gaadiidleyda ayaa cabasho ka muujinaya in amarkaasi uu saameyn ku yeeshay howlahooda maalinlaha ah sido kalena uu sababay shaqo la’aan hor leh.
In kastoo wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka Mr. James Macharia uu laba maalmood ka hor sheegay in ku tallaaba qaadka amarkaasi la hakiyay haddana waxay ganacsatada ku doodayaan in taasi ay ahayd mid lagu qancinayay oo keliya balse go’aanka dowladda uu weli shaqeynayo caqabadna ku yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here