Gaari bas ah oo lagu weeraray koonfurta Mandera

Ugu yaraan siddeed qof oo safar ahaa ayaa ku dhaawacmay maanta rasaas lagu furay ghaari bus ah oo marayay koonfurta ismaamulka Mandera.
Weerarkan ayaa looga shakisan yahay inay gaysteen xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ka dagaalanta gudaha dalka Somalia.
Ku xigeenka gudoomiyaha amaanka ee Mandera Joshua Kitakwa ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta udhaxeysa magaalada Elwak iyo Kotulo.
Waxaa uu sheegay inaysan wali ogeen tirade rasmiga ah ee uu dhaawaca ka soo gaaray weerarka lagu qaaday gaarika buska ah oo ay dad badan ku safrayeen.
8-da qof uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta lagu furay gaarika afar ka mid ah ayaa lagu soo waramaya inay xaaladoodu liidato kuwaas oo u baahan daryeel caafimaad oo deg deg ah.
Rakaabkii ku dhaawacmay rasaasta ayaa loo qaaday Elwaaq iyadoona ilaa iyo hadda aan la soo tabin wax dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here