Gaari lagu rasaaseyay shabeelada dhexe

Wararka aan ka helayno shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Gaari ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya kuna sii jeeday deegaano ka tirsan gobolka Mudug ay rag hubeysan ku rasaaseeyeen degaan hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobjoogayaal ayaa warbahainta u sheegay in gaariga oo ah nooca loo yaqaano Leyla Calaawi uu siday dad rakaab ah, xilli uu marayay tuulada Bashaqle oo hoostagata degmada Cadale uu ka dul dhacay rag ay isbaaro u taallay degaankaas,waxaana muran ka dhashay halkaas ragga hubeysan oo lacag doonayay ay sababtay in gaariga la rasaaseeyo.
Inta la xaqiijiyey rasaastaas ay kooxaha hubeysan ku fureen gaarigaas ayaa waxaa ku geeriyooday wadihii gaariga oo kusoo jeediyay Magaalada Gaalkacyo,kaasoo Magaciisa lagu sheegay Farxaan Xersi Baseey.
Raggii hubeysnaa ee gaariga rasaaseeyay ayaa goobta isaga baxsaday,iyadoo meydka wadihii gaariga loo qaaday degaanka ka tirsan gobolka Galgaduud oo la sheegay inuu degaan ahaan kasoo jeedo.
Mararka qaar ayaa Gaadiidka ku safra deegaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya waxay la kulmaan kooxo burcad ah oo u geysta falal isugu jira dhac iyo rasaasayn taasoo keenta waxyeelo soo gaara rakaabka gawaaridaasi.
Maamulka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin falkaan,waxaana horay u jirtay in deegaano kale oo hoostaga degmadaasi ay ka dhaceen dhac loo geysto dadka Shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here