Gaari qaraxyo waday oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Danab qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan Gaariga qaraxa ah ee la qabtay, Inkastoo la sheegayo inay wadaan baaritaano kala duwan oo arintaan ku saabsan dibna warbaahinta lagala wadaagi doono.
Ciidanka Dowladda ee ka howlgala Gobalka mudug ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday howl galo ka dhan ah Al-shabaab iyo sugida amniga, iyagoona dhawaan howlgal halkaas laga sameeyay lagu qabtay dad badan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here