Gabdhaha uurka qaadaya oo ku soo badanaya dalka

Hay’ad dowli ah ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay waxay shaaca kaga qaadday in gudaha wadanka ay ku soo badanayaan kiisaska la xiriira gabdhaha xilli hore uureysanaya.
Golaha qaran ee dadweynaha iyo horumarka ee NCPD ayaa sheegay in shantii gabdhood oo da’adoodu u dhaxeeysa 15 ilaa 19 sano hal ka mid ah ay leedahay uur.
Ismaamulka Narok ayaa laga soo tabiyay tirada ugu badan ee gabdhaha da’a yarta ee leh uurka elh boqolkiiba 40 taas oo micnehedu tahay in shantii gabdhood ay labo ka mid ah dhibaatadan haysato.
Waxaa ku xiga ismaamulka Homa Bay boqolkiiba 33, Galbeedka Pokot boqolkiiba 29 iyo ismaamullada Tana River iyo Nyamira oo kala ah boqolkiiba 28.
Tirada ugu hoose ee gabdhaha da’a yarta ee uurka leh ayaa laga soo tabiyay ismaamullada Nyeri boqolkiiba 6, Embu boqolkiiba 8, Elgeyo Marakwet boqlkiiba 9 iyo Nyandarua oo lagu sheegay boqolkiiba 10.
Waxaa jiray dadaalo badan oo ay dawladda, ururrada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda carruurta iyo hay’aadaha aan dowliga ahayn ay ku bixinayeen sidii loo yareyn lahaa uurka gabdhaha da’a yarta ah balse sida ay warbixinta tilmaamayso waxay weli u muuqataa in uu waxba iska beddelin.
Golaha qaran ee xakameeynta cudurka Aids-ka ayaa warbixin uu soo saaray sannadkii 2018-kii ku sheegay in 430,825 oo ah gabdho ay da’adoodu u dhaxeeysa 10 ilaa 19 sano jir ay xaadireen isbitaalada dadweynaha xiligii ay uurka lahaayeen.
Sido kale 20,828 gabdhood oo ay da’adoodu u dhaxeysa 10 ila 14 ayaa booqday goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeel caafimaad oo la xiriira xamliga.
Gabdhaha ay da’adoodu u dhaxeeysa 10 ila 14 sano ee hadda uurka leh ayaa waxaa tiro ahaan ugu horreeya ismaamulada Nairobi, Nakuru, Kajiado, Kericho, Homabay iyo Garissa.
Arrintan ayaa sabab looga dhigay kufsiga loo geeysanayo gabdhaha aan qaan gaarka ahayn.
Sharciga dalka ayaa dhigaya in kufsiga ka dhanka ah gabdhaha da’a yarta ah lagu muteeysan karo 15 sano oo xarig ah ama xabsi daa’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here