Gadiidka ka dhex shaqiiyo Muqdisho iyo shabeelada dhexe oo Hakad maanta Galay.

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyeen wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad taasoo sababtay in Gaadiidka dadweynaha uu hakad-galo mudo.
Howlgalkan ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dambeeyay kadib markii qaar ka mid ah darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Jowhar & Muqdisho ay cabasho ka Muujiyeen Rag hubeysan oo lacago xad-dhaaf ah ka qaada Gaadiidkooda.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka howlgalkaan uu yahay sidii wadadaasi amnigeeda ay u xaqiijin lahaayeen halkaasoo ay kusoo bateen weerarada qaraxyada ah ee al-Shabaab ay ka gaysanayaan iyo Rag ku labisan dareeska Ciidanka Dowladda oo la sheegay inay lacago ka qaadaan Gaadiidka Dadweynaha.
In kastoo saraakiisha howlgalkaas Hogaaminaysan aysan weli sheegin dad ay kusoo qab qabteen ayaa hadana wararka laga helayo gobolka sahbeelada dhexe waxaay sheegayaan in Gaadiidkii kasoo bixi jiray Magalada Jowhar ee soo aadi jiray dhinaca Magalada Caasimada ah ee Muqdisho Maanta aaney Shaqeyn,isla markaana Gaadiidleyda ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin iskood ah.
Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ka taagnaa Cabsi dhanka amniga ah,waxaana mararka qaar ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro ay mas’uuliyadooda sheegteen ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale Wareegto ka soo baxday Xafiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Madax ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoona sidoo kale kuwa cusub lagu magacaabay.
Masuuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Khaalid Bashiir Macalin iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee maamulka Gobolka Hiiraan.
Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Cali Diiriye, oo loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan, halka Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan, loo Magacaabay Sheekh Cusmaan Xuseen Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here