Gadiidley banaanbax ka dhigay magaalada Garowe

Waxaa Maanta Banaanbaxyo ka dhigay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal qaar kamid ah Darawalada Gaadiidka yar yar ee ka Shaqeya Gudaha Magaaladaasi Garoowe.
Darawalada oo isugu soo baxay inta badan wadooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaay ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen inay kusoo rogtay Shirkadda Dhaweeye oo inta badan keentay Gaadiidka yar yar oo ay ku Shaqeystaan dadka Banaanbaxa dhigayay.
Qaar kamid ah Gaadiidleyda oo Warbaahinta kula hadlay Barxada Magaalada Garoowe ayaa waxaay sheegeen inaysan awoodin bixinta lacagta ay kusoo rogtay shirkadda Dhaweeye, isla markaana lacagaha yar ay maalintii ka helaan ay Nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.
Shirkadda Dhaweeya oo ay Darawalada ku eedeeyeen inay lacagaha kusoo rogtay weli kama jawaabin cabashada Darawalada gaadiidka yar yare e Magaalada Garoowe, kuwaas o Maanta Magaalada kad higay banaanbaxa weyn

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here