Gagida JKIA oo noqotay garoonka labaad ee caalamka ee dhanka kobaca

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa tilmaamaysa in gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA magaaladatani Nairobi ay tahay midda labaad ee dunida marka la eego horumarka ka jiro.
Warbixinta ayaa loogu magacdaray World Airport Traffic Report, waxaana lagu xusay in JKIA laga soo dejiyo 250,000 oo ah xamuulka diyaaradaha lagu soo daabulo.
Sannadkii 2018-kii waxaa laga diiwaangeliyay 342,000 taan oo xamuul ah tani oo u dhiganta kobac dhan boqolkiiba 25 marka la barbardhigo sannadkii ka sii horreeyay.
Warbixintan waxaa soo bandhigay golaha caalamiga ee garoomada diyaaradaha ee (ACI) waxaana nambarka koobaad gashay Rockford Airport oo ku taalla Maraykanka.
Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee (KAA) ayaa sheegay in sannadihii ugu dambeeyay uu sare u kacay xamuulka laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo gagida JKIA.
Badeecooyinkan ayaa laga keenaa ama loo qaadaa Yurub,Asiya, Maraykanka , Shiinaha iyo Australia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here