Galmudug oo gudbisay xubnaha guddiga doorashada

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa gudbiyay Xubnaha Galmudg ku matalaya Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya.
Xubnaha uu Madaxweyne Qoor Qoor gudbiyay oo Afar ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay,
1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Guddiga Xalinta khilaafaadka.
2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Guddiga Xalinta khilaafaadka.
3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Guddiga Doorashooyinka.
4-Liibaan Axmed Xassan-Xubin Guddiga Doorashooyinka.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wareegto kusoo saaro Xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay Xubnaha matalaya Maamul Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug, waxaana kaliya harsan Maamulka Hir-Shabeelle oo doorashooyin u diyaar garoobaya.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda Galmudug oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi.
Kulanka ayaa lagu ansixiyey shuruucda kala ah:- Sharciga Shaqaalaha Rayidka, sharciga Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaalooyinka Galmudug, Sharciga Daqliga Gudaha, oo ay soo gudbiyeen Wasaarada kala ah;
Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda, Hawlaha Guud& Guryeynta, iyo Maaliyadda.
Sidoo kale, sharciga Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka Galmudug ayaa maray Aqrintii koobaad, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa madaxweynaha ku wehlinayey kulankaas Golaha Wasiirada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here