Galmudug oo mamnuucday in dhuxul laga shido degaanadeeda

Ciidamada Amniga Galmudug ayaa duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo gacanta ku dhigay gaadiid ay ku rarnaayeen dhuxul laga soo jaray degaanno ku yaalla gobolka Mudug.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa horay u mamnuucday in dhuxul laga shido degaanada maamulka Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa wacad ku maray in tilaabo ay ka qaadi doonaan cidii mardambe lagu arko dhuxul, islamarkaana gaadiidka sidda ay la wareegi doonaan.
In ka badan 450 loor ayaa saarneyd gaadiidkaas, waxaana horey isla ciidamadu u qabteen oo saldhigga Gaalkacyo yaalla baabuur ay ku rarnayd dhuxul si sharcidarro ah looga soo jaray dhul dhaca degmada Hobyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here