Galmudug oo sheegtay inay ka hortagayaan weerarada Shabaab

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in Maamulkiisu uusan aqbali doonin colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada Hoos yimaada.
Waxaa uu sheegay in dadka Reer Galmudug lagu sheego inay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto waxkasta oo keeni kara Colaadaha ka dhex dhaca dad walaalo ah oo isku deegaan ah.
Madaxweyne qoor Qoor oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamac lagu furayay oo ka dhacday Magaalada guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Galmudug ay ka horteggi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara hormarkeeda sida weerarada ay geystaan dagaalameyaasha Ururka Al-Shabaab.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Caasimadda Maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here