Galmudug oo xal ka gaadhay shaqaaqo gobolka Mudug ka taagnayd

Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo dadka deegaanka

Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegay inay heshiis ka gaareen colaad gacan ka hadal sababtay oo dhowaan dhexmartay ciidamada Danab iyo maleeshiyo beeleed ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii iska horimaad halkaas ka dhacay ay ku dhinteen ilaa dhowr qof.
Xubno uu horkacayay wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaay dhawaan gaareen deegaanka saaxqurun ee Gobolka Mudug,waxaana ugu dambeyn lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo maleeshiyaadkii ka qeyb qaatay dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay.
War kasoo baxay wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 lagu wareejiyay Wasaaradda Amniga,isla markaana la geeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Sidoo kale Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Ciidamada iyo gaadiidka ay ka mid noqon doona Ciidamada daraawiishta Galmudug, ayadoo lagala xisaabtami doono, baaritaanna lagu samayn doono ciddii ka mas’uulka ahayd weerarkii iyo falkii lagu weeraray saldhigga ciidanka Danab ee Magaalada Gaalkacyo ka dhacay Sabti 23 Bishaan May, 2020.
Sidoo kale wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta lagu wadaa inay la wareegto baraha Kontrool ee Magaalada Gaalkacyo halkaasoo markii hore ay horay u Maamuli jireen Maleeshiyo Beeleedyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here