Ganacsade dowladda Kenya ka dalbanaya 36 bilyan oo shilin

Mid ka mid ah ganacsatada magaaladatani Nairobi oo lagu magacaabo Francis Mburu ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu ku doonayo in dowladda ay siiso magdhow lacageed oo dhan 36 bilyan oo shilin.
Waxaa uu ku doodaya inuu yahay mulkiilaha dhul muran dhalliyay oo ku yaalla deegaanka Ruaraka.
Ganacsadaha ayaa ku andacoonaya in dowladda dhexe ay dhulkaasi si sharci darro ah uga qaadatay.
Dacwadda waxaa maxkamadda u gudbiyay shirkadihiisa Afrison iyo Huelands Limited.
Waxaa uu doonaya in dalabaadkiisa ay ka jawabaan dowladda ismaamulka Nairobi, guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee (NLC) iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Mr.Mburu ayaa dalbanaya in la siiyo 23 bilyan oo ah qiimaha dhulkaasi waqti xaadirkan lagu iibin karo iyo 13 bilyan oo uu sheegayo inay kaga luntay kiro iyo lacago dulsaar ah oo laga qaaday.
Waxyaabaha uu ku doodayo waxaa ka mid ah in dowladda ismaamulka Nairobi ay si sharci darro ah kala wareegtay hanti ay ka mid yihiin guriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here