Ganacsade lagu dilay ismaamulka Machakos

Wararka naga soo gaaraya degmada Mlolongo ee Machakos ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay xalay nin ganacsade ah halkaasi ku dileen.
Waxay sido kale dhaawacyo halis ah gaarsiiyeen 2 qof oo dheeraad ah.
Booliska degmadaasi ayaa sheegaya in falkan laga gaystay goobta loo yaqaano Dreamland.
Burcadda ayaa soo weerartay mid ka mid ah dukaamada lacagaha laga dirsado ee MPESA-da halkaasi oo ay kala baxsadeen lacag ilaa iyo hadda aan qiimaheedu la shaacin.
Mas’uuliyiinta xaafaddaasi ayaa sheegaya in labada qof ee la dhaawacay ay yihiin haween isku dayay inay qeyliyaan falka dhaca kaddib waxaana hadda la geeyay isbitaalka Athi River.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here