Ganacsatada dharka hudheyda ee Mombasa oo banaanbax sameeyay

Dadka ka ganacsado dharka hudheyda ee suuqa Kongowea , ismaamulka Mombasa gobolka xeebta ayaa dhigay dibadbax ay ku muujinayaan hoos u dhaca ku yimid ganacsigooda.
Waxay sheegayaan inuu soo foodsaaray culeys ka dhashay cudurka COVID19 kaddib markii dowladda ay mamnuucday in dalka la soo geliyo hudheyda.
Qaar ka mid ah ganacsatadan ayay dantu ku khasabtay inay raadsadaan shaqooyin kale si ay u dabbaraan nolosha qoysaskooda.
Ganacsatadan ayaa hoosta ka xarriiqay inay ku adkaatay inay soo iibsadaan dharka si ay u sii gadaan maadaama uu qiimaha sarreeya waxayna dowladda ugu baaqeen inay wax ka qabato caqabadaha ay wajahayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here