Ganacsatada Hilibka geella oo banaanbax dhigaya.

Ganacsatada Hilibka Geella iibiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhawaaqeen Shaqa joojin kadib markii khilaaf uu soo kala dhex-galay Ganacsatada Hilibka iyo kuwa Magaalada Keena Geella ee laga iibsado.
Qaar kamid ah Ganacsatada Hilibka Geella ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulamo ka dhacay muqdisho la isku fahmi waayey,isla markaana khilaafka uu salka ku haayo, kadib markii ay lacago ku kordhiyeen dadka Muqdisho keena Geella taasoo ay dhankooda ku ganci waayeen
Xubno ka tirsan Guddiga Ganacsatada Hilibka Geella ee Magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in muddo saddex Maalin ah aan Hilib Geel lagu qali doonin Kawaanada ku yaala Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ilaa xal laga gaarayo.
Waxaa uu sheegay inay rajo weyn ka qabaan in khilaafkaan la xaliyo ilaa laga gaarayo Maalinta Sabtida ah ee soo socota, si Axada ay Shaqooyinkooda dib ugu bilaabaan.
Wararka ka imaanaya Magalaada Muqdisho ee caasida Dalka Soomaaliya ayaa sheega in Saakay gebi ahaanba Magaalada Muqdisho aan lagu qalin Kawaanadeeda ayadoo bulshada aysan heli Karin wax Hilib geell ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here