Ganacsatada  Kajiado oo aan canshuur laga qaadi doonin

Guddoomiyaha ismaamulka Kajiado ,Joseph Ole Lenku ayaa maanta sheegay in bishan Afaraad ilaa iyo bisha lixaad aan wax canshuur ah laga qaadi doonin ganacsatada ismaamulkaas.
Tallaabadan ayuu ku sheegay mid lagu fududeynayo culeyska dhaqaale ee uu la yimid cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu tagay isbitaalka weyn ee Kajiado.
Waxaa uu saraakiisha caafimaadka iyo dadweynaha ugu baaqay inay si dhow u wada shaqeeyaan.
Mr. Ole Lenku oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay go’aanka ay qaateen ee dhanka canshuurta ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here