Ganacsiga waqooyinka Gaakacyo oo Maalinkii 4-aad Xiran

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalintii Afaraad uu xiran yahay Suuqa Ganacsiga ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dhanka maamulka Puntland.
Xirnaanshaha Suuuqaan ayaa timid ka dib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen, canshuur dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland.
Ganacsatada Waqooyinga Gaalkacyo, ayaa ka cabanaya canshuurta iibka, taasoo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu kaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, balse hadda ay bilowday inay mid labaad ka qaaddo xarumahooda ganacsiga ee ku yaalla gudaha magaaladaasi.
Goobaha Ganacsiga ayaa la xiray maalintii khamiista ee todobaadkii la soo dhaafay,waxayna saameyn ku yeelatay dadka danta yar ee ku nool Magaalada Gaalkacyo.
Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland, weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada waqooyinka Gaalkacyo ee la xiriirta Canshuurta lagu kordhiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here