Gantaallo lagu weeraray shirkado shidaal

Wararka naga soo gaaraya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in gantaallo la adeegsaday lagu dhaawacay laba ka mid ah shaqaalaha shirkado shisheeye oo shidaal soo saaro .
Gantaallada ayaa lala eegtay xarumaha dhexe ee shirkado dhowr oo caalami ah .
Waxaa xarumaha falkan lala eegtay ka mid ah kuwa shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee ExxonMobil ee ku taalla magaalada koonfureed ee Ciraaq ee Basra .
Sarkaal ka tirsan booliska ayaa laga soo xigtay in weerarka la geystay saacadihii hore ee saaka.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda iiraan lagu eedeyay inay ka dambeysay laba ka mid ah maraakiibta shidaalka oo lagu weeraray gacanka cummaan in kastoo ay iska fogeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here