Gantaallo lala dhacay caasimadda Ciraaq

Ciidamada militariga ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in labo gantaal lagu soo tuuray caasimadda wadankaas ee Baghdaad.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay goobta loo yaqaano Jadiriya ee u dhow aagga Green Zone.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda lama xaqiijin dhimasho ama dhaawac ka dhashay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah gantaallada lala eegtay meel u dhow maqaaxida Babylon oo ay inta badan degaan safareyda mararka qaarna lagu qabto kulamada dowladda.
Militariga ayaa falkan ku eedeyay koox lagu tilmaamay argagixiso in kastoo aan si toos ah loo magacdhawin.
Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa cambaareeyay weerarkan wuxuuna xusay inay ka go’an tahay badbaadinta nolosha muwaadiniinta dalkaas iyo ajaaniibta ku nool .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here