Garissa oo laga qeybiyay maaskaro

Xarunta lagu barto culuunta farsamada ee ismaamulka Garissa ayaa qeybisay maaskaro ama marada sanka iyo afka lagu xirto oo gaaraysa 2000.
Waxaa lagu wareejiyay waaxyaha tacliinta iyo dakhliga ee dowlad deegaankaas.
Xaruntan ayaa sheegtay inay soo saartay 100,000 oo maaskaro ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo cudurka Covid-19 ee dalka saameeyay si looga hor tago faafitaankiisa.
Maaskarada ayaa la gaarsiinaya xarumaha kala duwan ee ismaamulkaas iyo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here