Garissa oo laga xaqiijiyay 4 kiis oo cusub oo coronavirus ah

Ismaamulka Garissa gaar ahaan magaalada ayaa laga xaqiijiyay afar xaaladood oo cusub oo cudurka COVID19.
Wasaaradda caafimaadka ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli ay maanta sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha Kenya laga diiwaangeliyay kiisas hor leh oo dhan 690.
Tirada guud ee xaaladaha COVID19 ee dalka ayaa hadda ah 22,053 waxaana tan iyo markii ugu wadanka lagu arkay fayraska la baaray dheecaan dhan 315,723.
Xaaladaha cusub ee maanta la shaaciyay oo la ogaaday kaddib markii la baaray dheecaan ah 5,393 , 681 qof oo ka mid ah waa Kenyaan halka 9 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 492 lab iyo 198 dheddig ah oo ay da’dooda u dhaxeyso canug dhallan 6 bilood iyo qof 83 sano jir ah.
Wasiirka caafimaadka ee Kenya Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta sheegay in 58 bukaan oo dheeraad ah ay cudurka ka caafimaadeen waxayna hadda bogsashada guud maraysaa 8,477.
5 qof oo kale ayaa xanuunka u dhimatay tani oo dhimashada ka dhalatay COVID19 gudaha dalka ilaa iyo hadda ka dhigaysa 369.
Ismaamullada Meru ,Mombasa, Nyandarua, Bungoma iyo Kwale waxaa laga xaqiijiyay min hal kiis,Laikipia iyo Narok min saddex xaaladood oo cusub, Embu oo afar kiis ah , Nakuru iyo Kisumu min 6 xaaladood,Busia iyo Machakos waxaa laga kala diiwaangeliyay 9 iyo 7 xaaladood ,Kajido 28, Nyeri 24, Kiambu 56 ,
Xaaladaha laga sheegay Nairobi waxay isugu jiraan deegaanka Westlands oo ah 63 , Lang’ata 44, Waqooyiga iyo Koonfurta Dagoretti oo min 43 kiis ah , Bariga Embakasi 40, Starehe 38, Kamukunji 32 iyo Makadara oo 30 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here